Saturday, 15 July 2017 15:55

Cunfiga iyo Cuqdada beelaha qaar degana magaalada borama oo gaadhay heer kalsooni daro awgeed ay adeegsadaan wargeysyada beesha isaaq ee calooshood u shaqaystayaasha ah

Boramanews.co( Boorama) Cunfiga iyo Cuqdada beelaha qaar degana magaalada borama oo gaadhay heer kalsooni daro awgeed ay adeegsadaan wargeysa beesha isaaq ee calooshood u shaqaystayaasha ah

Kadib markii Qoraalo lagu baahiyay Websiteyada ama mareegaha ay leeyihiin beelaha Habar cafaan iyo Maxamed case laguna magacaabo Xeegonews iyo cadceed.com Qoraaladaasi oo ahaa mid lagu aflagaadeynayay waxba lagaga sheegayay beesha uu ka soo jeedo aayatulah Suldaan abiibabar cilmi wabar beeshaasi oo ah mid ka mida Jilibyada beesha Jibriil yoonis ee ugu laandheeraysan Gobolka Awdal

Qoraalkaasi ayaa ku tacaluqay in beeshaasi ay qalabka warbaahinta u iibisay wariyayaal isla beeshooda ka soo jeeda kuwaasi oo lagu qalabaynayay hase ahaatee wariyayaasha ka soo jeeda beelaha habarcafaan iyo maxamed case ayaa ka cadhooday talaabada horumarka ah ee beeshaasi jibriil yoonis ka soo jeeda qalabka ugu iibiyeen isla wariyayaasha beeshooda halkii ay ahayd inay ku farxaan kuna hambalyeeyaan arintanina waxa u muuqataa Cuqdad raagtay gaamurtay gaadhayna heerkii ugu xumaa oo ay qabeen inay qarsan kari waayeen wariyayaasha qaarkood ee tolkood tahli kari waayeen iska daa qalabe inay 50 doolar oo ay shaadhadh siistaan ay u soo diraan ,

Nimaan Tol lahayn waa Tacbaan waayay Tiir ama garbo qabta ama toosiya ,,, Tolku waa ehelka kuugu dhaw ee maanta wax kula qaban kara ku caawin kara hadii aad wax uga baahatana ku garab is taagi kara  Wiil yar oo wariye ah  misena aan tol lahayn waxa hubaal ah inuu ka xanaaqdo ama ka cadhoodo ama cuqdad xun ay wajahdo isaga oo  sidaa u samaynaya wariye la mid ah oo tolkii gacan qabteen qalabna u iibiyeen

Wariyayaashaas cuqdadaysan misena reeraha ay ka soo jeedaan magaca ka dilaya ayaa waxa ay bilaabeen inay aflagaado reer dhan u adeegsadeen wargeys hargeysa ka soo baxa oo loo yaqaan SAXAFI waxaanay sidaa u samaynayaan sidii ay iskaga Hor keeni lahaayeen beelaha walaahaha ee dega Gobolka Awdal

Hadaba wargeysaas Saxafi een wararka shaandhada iska saarin misena aan Hubsanin ayaa ah wargeys ku shaqeeya laaluush iyo lacag jaceyl ayna u muuqato inay leeyihiin rag cuqdadaysan oon la ogayn halka lagu soo gumaysan jiray

Isku soo wada duuboo Suldaan abiibakar Cilmi wabar ayaa ah Suldaan illaahay magac iyo sumcadba ku galaday wuxuuna suldaanku u adkaysan waayay Dulmiga iyo cadaalad darada soomaliland ka jirta iyo gunimada ay weheshanayaan ree awdal suldaanku waxa uu duurka u galay inuu xaqooda u soo dhiciyo shacabka ree awdal maadaama beelaha qaar ee awdal degaa ay sad iyo saamiba ku heleen dagaalkii suldaan wabar mudada sanadka kula jiray soomaliland isaaqna uu ka seexan waayay reerahaasi ayaa lagu naanaysaa Wabar ku macaash

( Dulucda Faaladani waxa ay tahay Laangaabku ifka waa u ciil aakhirana waa u cadaab )

 

Xigasho Camuudmedia 

World News

Top Videos

Who is Online

We have 122 guests and no members online

Friendly Links