Friday, 14 July 2017 17:03

Waa maxay Sababta Ree Awdal xadaaradeedu Faaido ugu tahay Soomaalida ,Awdalse Somalida maxay Bartay .Soomaaliduse maxay Awdal ka dhaxleen 10 Qodob oo Muhiima una baahan inaad Akhrisato 

Boramanews.co ( Waa maxay Sababta Ree Awdal xadaaradeedu Faaido ugu tahay Soomaalida ,Awdalse Somalida maxay Bartay .Soomaaliduse maxay Awdal ka dhaxleen 10 Qodob oo Muhiima una baahan inaad Akhrisato 

1/ Awdal oo gobol muhiima oo ku yaala xeebta Badda Cas waana Deegaanka ay kasoo degtay diinta Islamka isla markaana kusii fidisay Dhamaan geeska Afrika gaar ahaan dhulka Somalida Iyo Deegaanada Kale Ee Geeska Waxayna Ahayd Saylac meesha Diinta Islamku Somalida kasoo gashay.

2/Awdal shacabkeedu waa dadkii ugu horeeyay ee Gumaysigii Afrika Diiday isla markaana heshiis qoran la galay Gumaystihii Ingiriiska 11 Dec 1884,Heshiiskaasi oo dhigayay inay Maydkooga ku aasi karin Caruurna ku dhalikarin.iwm.

3/Awdal waa deegaankii taariikhda Soomaalida ugu horaysay ee Suugaanta Soomaalida kasoo bilaabantay waana goobtii heestii ugu horaysay ee Soomaali qaado lagu soo bandhigay Cabdisinimo IyoGuduudo Carwo ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Suugaan Soomaaliyeed soo bandhiga taariikhda Abid waxayna Awdal tahay goobtii fanku kasoo aas aasmay ee Laga dhoofiyay.

4/Awdal waa goobtii lagu sameeyay khariidada Shanka Soomaaliyeed oo 1941kii Somaali la gaadhsiisay fikirka ah inla raadiyo Shanta Soomaaliyeed ee Gumaystihu qoqobay taasi oo markii dambe ka dhashay Calanka Soomaaliyeed oo ninkii Sameeyay fikirkaasi ku saleeyay.

5/Awdal waa meeshii shacabku intay isku yimaadeen ku dhaarsaday inay dawlada Sugin Hay,addna sugine iskoo u shaaciyay Barnaamij Soomaali Ku Faa,iday oo loogu magacdaray ISKAA WAX U QABSO,Taasi oo markii dambe la Qarameeyay oo Maanta Soomaali ku faa,iday.

6/Awdal oo meesha kaliya ee nabad ka dhalatay kadib markii dawladii Soomaaliyeed burburtay isla markaana dhagarta iyo dhiigu badatay,Waxayna Jabhad dhiig badan daadisay (SNM) loogu caqli celiyay Awdal loona tilmaamay jidka nolosha lana yagleelay maamul dhiiga iyo dhagarta laga hoos galo taasi oo maanta Soomaali oo dhani ku majiirtaan (Somaliland)

7/Awdal waa goobtii ugu horaysay oo jaamacad shacab Soomaaliyeed dhisteen laga yageelo xili Somali isdilaysay oo dugsihoose dhexe iyo caafimaadba jirin,Waxaana taladdii shacabka Awdal ka faa,iiday kumanyaal Soomaali ah oo saldhig ka dhigtay Jaamacada Camuud deegaano kalena kaga daydeen in Jaamacad iyo nolo shacabka loo samayn karo.

8/Awdal waa goobtii ugu horaysay ee shacab inta ay isku yimaadeen isku tashaday bilaabayna wax aysan marnaba dawladi u qaban hirgaliyayna Jidada Laamiah oo iskaa wax u qabso lagu dhisay lana dhamaystiray jidd ka dheer 40 km taasi oo deegaano badan kaga daydeen kumanyaalSoomaali ahina ka faa,iiday.

9/Awdal waa shacabka kaliya ee waxgaradka iyo aqoonyahanka qabylaada u badheedha go,doomiya ninka waxdilana ugu yeedhin mujaahide dhagarqabe ugu yeedha oo waliba qisaasa.Waana deegaan Alle ka cabsiga iyo wadaniyada Soomaaliyeed ku wayn tahay Soomaali oo dhanina markaahti furtay.

10/Awdal waa deegaanka kaliya ee dhulka Soomaalida iyo aduunkaba u dhoofiyay wiilal Iyo waxbartay iyo aqoonyahano Soomaali oo badani ku faa,iday dhakhaatiir,Macalimiin,Injineero,Kalkaalisooyin Iyo Maamulayaal taasi oo maanta oo Soomaali kala daadatay lagu arko deegaankasta dhakhaatiir iyo macalimiin Made In Awdali ah.L.M.Dirie

World News

Top Videos

Who is Online

We have 98 guests and no members online

Friendly Links