Friday, 30 June 2017 15:53

Shabakad ka hawl gasha Gobolka Awdal oo baahisay Musuqmaasuqii abid ugu waynaa ee uu ku Kaco wiil dhalinyaro oo gobolka Awdal ka soo Jeeda waa kuma Kaasi?

Awdal24( Shabakad ka hawl gasha Gobolka Awdal oo baahisay Musuqmaasuqii abid ugu waynaa ee uu ku Kaco wiil dhalinyaro oo gobolka Awdal ka soo Jeeda waa kuma Kaasi? Shabakadan oo lagu magacaabo Magaalonews ayaa baahisay war xasaasi ah misena ah musuq maasuq lagu eedeynayo isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobolka awdal laguna  Mustafe Muumin Muuse 

waana wiil dhalinyaro ah oo dhawaan la magacaabay Shabakada Awdal24 masuul kama noqon karto wararka xigashada ah 

Waxaa Mudo Dhawr bilood ka hor loo soo magacaabay Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Awdal Kalkaaliye Caafimaad Mustafe Muumin Muuse Oo Ka Mid ah Bahda Caafimaadka Ee Gobolka Awdal Sida Ila Wareedyo Xog ogaal ihi ay sheegayaan Waxaa Xilkaasi iskaga Tagay Dr.C/raxmaan Jaamac Haddi Oo ka Biya Diiday Qorshayaal Hargeisa Laga Soo Maleegay Kuwaasi Oo Wax U Dhimaayey Mustaqbalka Wasaarada Caafimaadka.

Si kastoy ahaataba Dr.C/raxmaan Jaamac Haddi Waxa Uu Lagama Maarnaan U Arkay In Xilkaasi Uu Baneeyo.Hase Ahaatee Waxaa Xilkaasi Dadaal Dheer iyo waqti Badan Galiyey Buuxintiisa Masuuliyiin Badan oo Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Ugu Dambayntiise Waxaa Xilkaasi Loo Soo Magacabay Kalkaaliye Caafimaad Mr.Mustafe Muumin Muuse Oo Taagero Beeleed Ka Helaya Madaxweyne Ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici.

Wixii Intaasi Ka Dambeeyey Iskuduha Caafimaadka Ee Cusub Ee Gobolka Awdal Waxaa Loo Cimaamaday Kalkaaliye Caafimaad Mustafe Muumin Muuse inkastoo waayo Aragnimo Kooban U Lahaa Hawlaha Caafimaadka Taasi Oo Uu  Ka Faa’iidaystay Mudadii Koobnayd Ee Uu Caawiyaha U Ahaa Dr.Faadumo Xaaji Abiibakar,

Wararka Ka Imanaya Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Waxaa ay intaasi ku darayaan in Si Indhiyo Dhaga La’aan Ay Ku Dheehantahay  Ay Weheliso Khibrad La’aan Maaraynta Mashaariicda Caafimaadka ah la Dhex qaaday Wasaaradii Caafimaadka Ee Gobolka Awdal.

Kalkaaliye Caafimaad Mr.Mustafe Muumin Muuse Waxaa ay Dhaliilihiisu Soo ifbaxeen Horaantii Bishi 6 Markii Loo Gacan Galiyey Mashruuc Ay Fulinaysay Hay’ada Save Children  Kaasi Qayb Ka Ahaa Mid Lagu Taakulaynayo Dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen Islamarkaan Soconayey Muddo 4 Bilood ah, Kaasi Oo Qorshihiisu ahaa Sidii Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolka Awdal Loo Hawl galinlahaa Shaqaale Caafimaad Oo Xirfad iyo Waayo Aragnimo Dheeraad ah u Leh Hawlaha Ay Fulinayaan.

Iskuduwaha Caafimaadka Ee Gobolka Awdal Mustafe Muumin Oo Ah Masuulka ugu Sareeya Gobolka Ayaa Maaraynta shaqaalaysiinta Mashruucani Si Badheedha Uga Hawlgaliyey Dhalinyaro U Badan Beesha uu ka soo jeeda kuwaasi Oo Qaarkood Aqoon Caafimaad Heerkeeda Soo Marin.

Shaqaalaha u badan Beeshiisa Ee Iskuduwuhu Qortay Waxaa Ay Sababtay in Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Siweyn looga hadal Hayo Goobaha Bulushadu ku kulanto Ee Borama Taasi Badalkeedana Waxaa Looga Yaqaanaa Goobaha Ay Dadweynuhu ku Kulmaan “Magafaha Caafimaadka Gobolka Awdal”Taasi Oo Ay Ula Jeedaan Sida Uu Markiiba Iskugu Xuurteeyey Mashruucii Ugu Horeeyey Ee Soo Maray.

Waxaana Deegaanada Kala Duwan Ee Gobolka Awdal ka Hawlgaya Shaqaale u badan Kuwo Aan Xirfad iyo Waayo Aragnimo Dheeraad ah Lahayn. Waxaa Laga Cabsi Qabaa In Dhibaato Xoogan Ay Soo Food Saari Doonto Dadka Deegaanadaasi Maadaama Ay Ka Hawlgalayaan Dad Aan Xirfad Caafimaad Lahayni.

Dhinaca Kale Iskuduhuwaha Caafimaadka Ee Gobolka Awdal ayaa Caqabad Ku Noqday Habsami Socodkii Shaqo Ee Hawlaha Caafimaadka Qaybihiisa kala Duwan.

Saacid Ibraahim (Saacid Yare)

Xigasho Shabakada Magaalonews London.

World News

Top Videos

Who is Online

We have 101 guests and no members online

Friendly Links