Thursday, 29 June 2017 13:56

Hay,ada Wadaniga ah ee Ayoda ayaa Munaasabad Heer sare ah shahaadooyin ku Gudoonsiisay Arday baratay Xirfado kala duwan si ay ugu shaqaystaan + SAWIRO

Awdal24  Hay,ada Wadaniga ah ee Ayoda ayaa Munaasabad Heer sare ah shahaadooyin ku Gudoonsiisay Arday baratay Xirfado kala duwan si ay ugu shaqaystaan + SAWIRO

Hay,ada wadaniga ah ee ayoda ayaa xaflad aad u heer saraysa ku qabatay Hotelka rays ee magaalada borama Munaasabadaasi ayaa ahayd mid Shahaadooyin lagu gudoonsiinayay dhalinyaro iskugu jira Rag iyo haween kuwaasi oo ay hay,adaasi ku tababartay xirfado ay ku shaqaystaan si noloshooda ugu kaabaan waxaana dadka la tababaray ku jiray haween Cusheer ama bur samayn jiray kuwaasi oo markii tababarkaasi ay ka faaidaysteen bartay xirfada dawaarka ama tolida dharka Ayoda oo kaashanaysa islamarkaana maalinteeda ay leedahay Hay,ada United states african Development foundation loona soo gaabiyay USADF waxaana Mashruucaasi tababarka ee xirfadaha ah Fulinaysay hay,ada Africa Youth development Association loona yaqaan AYODA Iyadoo mashruucaasi laga faaidaystay ay xidhiidhinaysay hay,ada SOCA ee xarunteedu hargeysa tahay munaasabadaa ayaa ahayd mid aad looga soo qayb galay iyadoo ardaydii xirfadaha kala duwan ka bartay Hay,ada ayoda ay dhamaantood aad ugu mahadceliyeen hay,adaasi maadaama ay shaqo abuur u samaysay

 

SAWIRADA MUNAASABADII SHAHAADADA LAGU BIXINAYAY

Qoraalka iyo Sawirada waxa iska leh wariye Nuux kadiye oo Borama ku sugan

World News

Top Videos

Who is Online

We have 124 guests and no members online

Friendly Links