Friday, 16 June 2017 19:56

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKII HALYEEYGII MARXUUM AADAN ISAAQ AXMED

Waxaan ku bilabayaa magaca ilaahey marka xiga halkan wxaan ku soo bandhigayaa taariiikh kooban oo ku saabsan halyeeygeygii marxuum Aadan Isaaq Axmed oo aan ka soo ururiyey buug uu qorey Jamaal Miicad Alaale waana sida soo socota

TAARIIKH NOLOLEEDKII IYO WAXQABADKII ALLAHA U NAXARIISTEE MARXUUM AADAN ISAAQ AXAMED  

I- DHALASHADIISII IYO BARBAARINTIISII

Allaha u naxariistee marxuum Aadan Isaq Axamed Idle waxa uu dhashay qiyaastii xilli ku began 1923 markaas oo magaalada Borama ay jirtay 2 sano oo kaliya. Inkastoo marxunku aanuu si cad ugu qeexin ama ku qorin buugiisa xiligii iyo  meeshii uu ku dhashay oo dadka oo dhan reer guuraa xoolaha hodan ku wada ahaayeen.

Haddaba waxaad ka dhuuxaysaa buugiisa la yidhaah( self – experience in the  best reliance in the life) macnahooduna yahay(dadaalka iyo wax is barida naftu ama dhisida aqoon ahaaneed ee naftu waa isku halaynta ugu wacan ee nolosha iyo aayaheega). Waxaad ka dheegan kartaa inuu ku dhashay degaanada Guban iyo Oogo udhaxeeya oo lagu tilmaami karo agagaaraha Cabduqaadir, Jidhi iyo Dabadilaac.

Halkaas ayuu ku barbaaray Alaha u naxariiste Marxuunku iyo degaanada ku meersan ee kana xiga waqooyi, koonfur, Bari iyo Galbeedba ilaa 20 jir uu gaadhaayay.

Marxuunka waxa la dhashay wiilal badan iyo gabdho siduu uu sheegay marxuunku isaga oo 20 jir ah ayuu si lama filaan ah maalin uga hayaamay noloshii dhaqan dhaqaale ee adkayd ee miyiga iyo duruufihii qalafsanaa.

Waxaanuu tagay tuulo aanuu magaceeda xusin balse loo malaynayo in ay Jidhi ama Cabdiqaadir midkood ahayd ee sida laga dheehan karo buugiisa iyo shaqaduu ka helay tuuladaa. Waxaan ka cudur daaranayaa in qiyaastaydaasi ay qalad noqon karto, waase ugu dhawaan siday u egtahay in la mala awaali karo.

 

II- AQOONTUU IS BARAY IYO HEDELKIISII SHAQO

 

Alaha u naxariistee Marxuun Aadan Isaaq wuxuu ahaa nin isku darsaday sifooyinkana soo socda oo ay yartahay dadka in lagu arko balse alaha qaadir ahi isaga hibo usiiyay, sifahaas oo ahaa:

  • Indheer garadnimo
  • Garasho dheeri
  • Aqoon badni
  • Fiiro toosni
  • Ficil badan, karti leh, howlkar ah hedel  iyo dadaal badan
  • Maskax furan iyo fahmad (he was very intelligent)

Mabuun buuninayo waase xaqiiq wuxuu ahaa marxuunku shakhsiyad mudan ini lagu daydo oo lagu faano.

Waxa xusid mudan Alaha unaxariistee marxuunku in aanuu fursad u helin waxbarshada aasaasiga ah iyo mida dadban toona sababta oo ah gumaysigii ingiriiska ayaa wadanka maamulayay mana jiriin wax dugsi ah oo uu markaa wadana ka dhisay dadkuna xiligaa waxbarashada ma ay fahansanayn. Sidaan soo sheegnay markii uu miyiga ka yimid ee uu magaalada yimid wuxuu markiiba helay shaqo ah Ilaaliye wuxuuna ilaalin jiray Suntii Ayaxa oo meeshaa taalay, waxana la siin jiray mushaar dhan (6 shilin) oo markaa aad ugu badnayd oo mudo ku dhow sideed bilood ayaa uu shaqadaa hayay kadibna way joogsatay.

Alaha u naxariistee Aadan way ku adkaatay kunooshadii miyiga, maadaama uu  mishahar dhadhamiyay xoogiisana maalay waxa hubaal ah in ay dhif tahay nin go’aan qaadan kara isagoo xirfad shaqo aan aqoon in uu u babac dhigi karo hirdanka nololeed ee magaalada oo ka duwan ta miyiga wuxuu usoo boqoolay magaalada Borama nasiib wanaag waxa uu markiib Borama ka helay shaqo fiican kaasoo qaadan jiray mushahar kii hore ka badan oo ah (15 shilin) reerkooda ayuuna lacagtaa u diri jiray,  waqtigaa waxa socday dagaal waynihii labaad ee dunida meel halis ah marayay sidaa darteed dalalkii Jarmalka isku bahaystay waxa ay ciidamo ka qoranayeen wadamaday gumaysan jireen hadaba maalin maalmaha ka mid ah waxa Borama yimid Saraakiil ingiriisa oo ciidan qoranaayay, marxuunka oo ahaa nin dheer ayaa ciidankii is qoray isagoo cidina aanay ogayn kana war hayn waxa markiiba la geeyay Mandheera oo lagu tobobaraayay isagoo lagu qaatay Mushahar dhan (20 shilin) dabadeedna Aabihii oo ka waayay halkii uu ku ogaa ee uu ka biilin jiray iyo maqaaxidii Borama ee uu ka shaqayn jiray, wax u sheega haybtiisana uu waayay ayuu baadi goob dheer galay oo uu inankiisi ku raadinayay nasiib wanaag Aadan bishii uhoraysay oo u dhamaatay isla markaana maalintaa la siiyay 20kii shilin ama gunadii mushaharka ee bishaa, ayuu Aabihii madheera yimid oo helay inankiisa ka dib 20kii shilin buu soo siiyay. Aabihii intuu farxay buu uduceeyay. Wax yar ka dib saraakiishii ingiriiska ahayd ee ciidamadu waxa ay is tuseen in aanay soomalida ciidankoodu is fahmayn isna afgaranayn ciidamada ajaanibkaa iyo kuwa ingiriiska ee ay ka barbar dagaalameen waxay markaa is tuseen inay rag da’yar oo maskax furan ka dhex xulaan ciidanka soomaalida ee tobobarka ku jira wuxuuna marxuunku ka mid noqday 24 wiil oo laga dhex xulay oo la geeyay Sheekh oo ay joogeen laba macalin oo Cadaana iyo gaalkii waxbarashada Somalilnad haystay waxana loo bilaabay lix bilood oo luqada ingiriisiga lagu barayo.

Mudo markuu joogay ayaa gaalkii madaxa ahaa ka helay oo uu ka yaabay fahmadii Aadan wuxuuna usoo jeediyay in uu ciidanka iska daayo oo uu waxbarashada u wareego lana siin doono mushahar dhan 60 shilin maadaama macalimiini aanay jirin hase ahaatee Aadan wuu diiday markii lixdii bilood ee luuqadu udhamaatay ayaa la soo qaaday oo la keenay magaalada Hargeisa, nasiib  darro maalintaas oo ahayd 7dii may 1945tii waxa loo sheegay in dagaalkii dhamaaday fasaxna ay ka yihiin ciidankii, meeshay shaqo ka heleyaana u raadsadaan. Sidaasuu marxuunku dugsigii sheikh ugu noqday loona qaatay maclin isaga oo loo furay tobobar macalinimo oo sanad iyo lix bilood ah halkaas ayuu marxuunka ka bilaabay kariirka waxbarashada isagoo in badan macalin ahaa soona qabtay jagooyin kala duwan ilaa ugu danbayntii loo diray bartamihii 1958 jaamacada way nee caanka ah ee cariga ingiriiska (OXFORDUNIVERSITY).

 

III- XILALKII UU SOO QABTAY

 

Inkastooo xilalka marxuunkuu soo qabtay aad u badnaayeen waxaan soo qaadanaynaa intaa ugu mihiinsan.mudadii uu macalinka ahaa waxaa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ah badanaa jarnjarada uu maclinku kusoo koro saaxada siyaasada.

Waxa uu soo maray maamule dugsi hoose(head master), maamule dugsi dhexe “principle”iyo isagoo urur macalimiintu lahaaayeen oo Maxamuud Axmed Ali iyo gaalka waxbarashadu xubno joogto ka ahaayeen laakiin saddexdii sano mar loo dooran jiray xoghayn ama macalin xubin joogta ah aan ka ahayn ee saddexdii sano mar loo dooran jiray ayaa marxuunka saddex jeer oo isuxiga loodoortay  oo sagaal sano uu hayay.

Markuu jaamacada Oxford kasoo qalin jabiyay wuxu ka soo dagay hargaysa july 20th  1960. waxa markiiba loo magacaabay maamulaha dugsiga sare ee Qalax, dagmada gabilay oo xiligaa faraha laga qaaday oo cusbaa.

April 1961 ayuu ku wareegay arimaha dibada oo jago  banaan oo kaso baxday  utartamay kuna guulaystay, waxana loo magacaabay xoghayaha koowaad ee safaaradii soomaalidu ku lahayd Mosco, midowgii sofiyatii isaga oo noqday ninkii labaad ee soomaali ah ee cagaha saara Mosco, safiirka oo kaliyaa ayaa ka horeeyay.

1963 dabayaaqadiisii ayuu kusoo ruqsaystay arimihii dibada isaga oo doonayay inuu isu taago tartankii doorashadii baarlamaanka ee 1964.

1964 wuxuu ku guulaystay doorashadii isago noqday ninkii ugu cod badnaa Bariga Africa oo dhan.

Waxana isla sanadkaa loo magacaabay wasiirkii gaashaandhiga ee soomaaliyaa.

Sanadkii 1966 ayaa hadanaa loo magacaabay wasiirkii wasaaradii gaadiidka oo isagu codsay. Doorashadii madaxwayaha 17th May 1967 oo ay ku tartamayeen madaxwaynihii xilka hayay ee Aaden Cabdille Cismaan “Aaden Cadde” iyo Dr: Cabdi rashiid Cali Sharmaake oo 1960 ra’iisal wasaare ahaan jiray “Alla ha u naxariistee labadooodaba”  waxa doorashadii ku guulaystay Dr. cabdiradhid inkastoo oo ay labadooduna ka tirsanaayee xisbiga SYL marxuunku wuxuu ahaa kooxdii raacsanayd ee taageersanayd dhinac Aadan- Cadde. Hadana waxa uu noqday wasiirkii kaliya ee Dawladii Aadan cadde laga reebay Aaraadiisa siyaasadeed awgii.

Waxa loo magacaabay 1967kii wasiirka waxbarshada isla sanadkaa waxa uu Somalia uga qayb galay shirkii caalimiga ahaa ee UNICEF laguna qabtay caasimada faransiiska ee Paris oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 100 dowladood wufuud ka socotay waxa Aadan Isaaq loo doortay gudoomiye ku xigeen, waxa gudoomiye ka ahaa wasiirka waxbarshada faransiiska.

Bartamihii sanadkii 1969 ayuu markale cod aqlabiyad ah ku guulaystay doorashadii Baarlamaanka waxana dib loogu magacaabay wasiirkii tacliinta ee uu ahaa, waxa kale oo uu 1969 ka qayb galay shirkii midowga Africa ee heer wasiir isaga oo matalayay wasiirka Arimaha dibada ee Somalia.

1 dii October 1969 waxa uu u baxay booqasho dheer oo uu ku soo kala bixiyay saddex iyo tobon wadan oo adduunka ah isaga oo ka bilaabay Sudan, Masar, Talyani, Fransiis ilaa Maraykan isaga oo ka soo laabtay 14-kii October, 16kii October waxa la dilay madaxweyne Dr. Cabdirashid Cali Sharmarke oo uu marxuunku gaalkacayo ku sugayay.

21 October afganbigii Siyad Barre hor kacayay ayaa dhacay waxaa la wada xidhay golihii wasiirada oo uu ka mid ahaa Aadan Isaaq, Raysal wasaare Cigaal iyo qaar kale oo badan.

21 October 1975 ayaa xabsiga laga soo daayay loona  magacaabay safiirkii Somalia ee Bariga fog oo dhan, “17 dowladood”  isaga oo xaruntiisu ahay Bakistan halkaas oo uu in badan joogay markii danbe waxa loo bedelay dalka Cumaan oo uu safiir ka ahaa ilaa 1988 marxuunku waxa uu ahaa ninkii xadhiga ka jaray madaarka Borma 7dii October 1988 isaga oo ay wahiliyaan Aadan Aamin Agaasimihii guud ee maaliyada iyo Faarax faras oo ahaa golihii sare ee kacaanka. Waxa uu marxuunku ku xijaabtay Borama 1989.

 

IV- WAX QABADKIISII

 

Halkan laguma soo koobi karo waxqabadkiisi marxuum Aadan Isaaq hadaanse wax ka yar ka soo qaadano waxa ka mid ahaa markii loo magacaabay wasiirka gaashaandhiga 1964 kii ciidankii Soomaaliya ee Ethopia dagaalka la galay sanadkaa waxa uu ahaa 5000 oo askari oo ay tayadoodu liidato, marrxuunku waxa uu gaadhsiiyay 11,000 oo askari isagoo la soo wareegay ciidankii “ilaalada” la odhan jiray, qaar ka mid ah ciidankii maaliyada ee ilaalinta cashuuraha iyo badh ka mid ah Boliska ka dib dowladii ruushka ayuu utagay si uu u dhiso, caawiyo ciidanka tayadooda, tobobaradooda iyo qalabayntooda halkaas ayuu marxuunku seeska udhigay xidhiidhkiisa militari ee Somalia iyo Midowgii Sofiyeti ee soo jiay ilaa 1977kii.

Markuu ahaa wasiirka gaadiidka waxuu Alaha u naxariistee Aadan dhidibada utaagay shirkadaii diyaaradaha ee Somali Airline wuxuu waxbashao bayloodnimo udiray rag ay ka mid ahaayeen Jaamac Cabdilaahi Coofle iyo Faarax Isaaq iyo Ina Caamir waxa kale oo uu waxbarasho dibadeer Maraykan u diray Rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Xuseen Fariid oo ahaa Agaasimihii guud ee  bangigii dhexe ee Somalia, waxa kale oo uu diray saraakiil badan xiligii uu gaashaandhiga joogay. Markii uu wasiirka tacliinta ahaa waxa uu sidoo kale waxbarasho dibadeed udiray inamo badan isaga oo isla markaa sanadkaa xadhiga ka jaray jaamcadii u horaysay Somalia oo ahayd Kuliyadii waxbarashada Lafoole dufacadii uhoraysay ee gashayna waxay ahaayeen reer Borama iyo gobolka Awdal waxan ka mid ahaa Maxmed barkhad Xamaal, Alaha unaxriistee Saleban Xasan Raydal, Xasan Dahir Obsiye, Geedi Iswarwareen, Cabdilaahi Maydhane Warsame, Maxamed Nuux iyo rag kale oo badan.

Waxqabadka dhaxal galka ah ee aan marnaba la ilaawi kari ee ma guuraanka ah ee xusid gaara mudan waa kaalintii uu ka qaatay kobcinta waxbarasho ee gobolka Awdal labadii sanno ee uu ahaa wasiirka waxbarashada taas oo ah waxyaabaha caanka uu gobolku ku noqday ee laguna tilmaamo.

Alaha u  naxariistee marxuunku waxa uu gobolkan ka dhisay iskuulo badan isaga oo ka dhisay miyi iyo magaalaba waxa ka mid ahaa dhowr iyo tobon fasal oo uu ku biiriyay dugsiga sare ee Al-aqsa oo la odhan jiray “dugsiga dhexe ee wiilsha” fasaladaas oo ahaa qaybta galbeedka ka soo jeeda iyo koonfurta,

Dugsiga hoose dhexe ee Satawa

Dugsiga dhexe ee Qulujeed

Dugsi hoose oo laga dhisay Abokor-Cadaawe iyo kuwo kale.

Waxa hubantii hadaan kacaankii ka soo gaadhin inuu dhisi lahaa dugsiyo fara badan oo xataa dugsiyo sare ku jiraaan.

Waa hubaal in uu taariikhda baal  dahadb ah ka galay laguna xasuusan doono waxqabadkisii waxaana ka cudurdaaranayaa hadaan wax ka tagay ama meelo aan khalday in lagu daro ama la saxo waayo buugtiisa aan ka qoray taariikhda oo afingiriis ku qornayd waxa aan akhriyay oo kaliya hal habeen, halkii habeen oo aan si fiican uga bogtay ayaa ii saamaxday inaan maskaxda ku kaydiyo taariikhdiisii. Alaha ii suurto galiayay baa mahad leh cidii wax intaa dheer u baahan  waxey la xidhiidhi jamaaal micaad alaale .

 

Abdikarim muse Xagarre

Master of Public Health

Kampala Uganda

 

World News

Top Videos

Who is Online

We have 17 guests and no members online

Friendly Links