Wednesday, 12 April 2017 13:45

Suldaanada Iyo Siyaasiyiinta Reer Awdal Waa laga Yaaci Doonaa Qalinkii: Siyaasi Abdirahman Aburaas.

Awdal24( Gobolka awdal oo ah bukaan weheshaday bubur camal la,aan baaxad leh oo ay la wadaagin dalka qaybihiisa kale. Siyaasiga hamigiisu yahay mug la,aan garaad xumo iyo hunguri carar iyo waliba suldaanada Iyaga oo matala raiga iyo nolol sareynta shacabkooda , Ayaa noqdey kuwo ku dhacay mansabkii iyo darajadii ay u dhiibteen dada reer Awdal natiijada laga dhaxley madax isku sheegaasina waa sidan Inay hoos u dhigeen mideyntii shacabka reer awdal. Inay noqdeen barayaasha culuumta qabyaalada iyo kala furfurka kala geynta bulshadooda. Sidaasi daraadeed siyaasiga iyo sulaanada rre awdal waxaa saran in dhu iyo fiiro u yeeshaan tabashooyinka dadkooda Sidaasi la ajligeed waa sobobta waajibka ku ah suldaanada iyo siyaasiga reer awdal. Waxaa horumarka gobolka iyo kaabihiisa dhaqaale ragaadiyey afkaar xumaanta siyaasiga ah ee ku wajahan siyaasad xumada dabodhilifnimada ah iyo waliba u aqaoonso la,aanta xilka uu u hayo dadka reer Awdal guud ahaantiiba. Afkaar xumaanta siyaasiga ah waata maanta dhashay ama sobobtay inaynu ka dhaxalno magac cuyaalka ku suntan wasiirada, halka ay shaqadoodu ahayd waxqabad , midnimo iyo waliba wada tashi waata maantana ku 9 bilood jirsatay inoona dhashay sidan Tafaraaruq < Disunity > Shaqo la,aan <Unemployed> Qabyaalad <Tribalism> Guud ahaan madaxda reer reer awdal suaasha kumay darsan , kor u qaadida camal ee gobolku uga baahan yahay guud ahaantoodba , way adag tahay ina siyaasi iyo suldaan dadiisu tahay 90 iyo wixii ka weynaba si gaara loogu aamino danaha shacabka reer awdal , hadii masuuliyadii ay hayaan noqotay waan aamusi, hadli maayo , waxba igama galin tayda mooyane waata sobobtay ina dhinac iyo meel walba lagaaga soo wareego . Reer Awdalaw Maxaa Inala Gudboon? In la furo wada hadal dhab ah dulucdiisu tahay maxaa inagu dhacay ? In sadex arimood oo is diidan lakala hufo lana kala hormariyo sida ku haboon marxalada iyo jawiga siyaasiga ah , sadexdani waxay xukun u kala yihiin sadexda dhandhaar ee siyaasada dalka look al dhigay. In laysku raadiyo calool xaadhasho iyo dhayid boogihii iyo hurgumooyinkii siyaasiga nacaska ihi kiciyey.

Siyaasi Aburaas

World News

Top Videos

Who is Online

We have 90 guests and no members online

Friendly Links