Saturday, 18 March 2017 14:22

Gudoomiyaha Midawga Africa ayaa Markii ugu Horeysay soo gaadhay Magaalada Muqdisho tan iyo Markii Madaxweyne Farmaanjo la doortay

 

Awdal24( Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Moussa Faki Mahamat ayaa looga hadlay sidii Midowga Afrika u taageeri lahaa dowlada cusub iyo sidoo kale arimo la xariira abaaraha dalka ka jira iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka abaartu saameysay.

Labada Masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadlay arimo la xariira xoojinta amaanka gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee maamusha qeybo kamid ah Soomaaliya.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Soomaaliya dioorashadii uu ku guuleestay, waxa uuna u balan qaaday in wada shaqeyn dhaw la yeelan doonaan dowlada Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaarayay masuuliyiin kala duwan tan iyo markii la doortay Madaxweyanha cusub ee Soomaaliya, waxaana xubnaha yimid kamid ahaa Xoghaya guud ee Qaramida Midoobey iyo Xoghaya arimaha dibada Britain.



World News

Top Videos

Who is Online

We have 44 guests and no members online

Friendly Links