Thursday, 16 March 2017 14:18

Raysal wasaare xasan Kheyre ayaa magaalada Muqdisho kula Kulmay shaqaalaha xafiiska raysal wasaaraha halkan ka daawo sawirada

 

Awdal24( Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna kala hadlay dar-dar gelinta howlaha horyaala Xukuumadda oo ay hormuud u yihiin shaqaalaha Xafiisku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda ay ku shaqeeyaan howl-wadeenada, ku xigeenka Xog-yaha Joogtada iyo Agaasimeyaasha Waaxaha xafiiska, iyagoo sheegay in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub, si loo meel mariyo barnaamijyada uu Xukuumadda ku hoggaamin doono.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono sidii ay u heli lahaayeen Shaqaaluhu xuquuqdooda, iyagana lagula xisaabtami doono shaqada ay ummada u hayaan, ayna qeyb ka tahay qorshaha isla xisaabtanka ee Dawladda.



 

World News

Top Videos

Who is Online

We have 66 guests and no members online

Friendly Links