Wednesday, 26 April 2017 15:42

Talo qiimo leh oo ku socota dhalinyarada soomaliland Meelkasta oo ay Dunida iyo dalkaba ka joogaan waana Fariin idin Anfacaysa

Written by 

Awdal24( Dad. Dal iyo Duunyo Nabada Allahayow Marka hore waad wada salaamantihiin dhammaantiin, waxaan aad ula dhacay sida cajiibka ah oo aad wax isugu faaiideyneysaan oo aad wax u kala kororsaneysaan. markaa waxaan go’aansadey inaan idin xasuusiyo arin muhiim ah oo loo baahanyahay in shaqsi walba oo somalilander ah dunida meeshuu doonaba haka joogee xil weyn iska saaro. waad wada ogtihiin dhammaantiin dhibaatada waddanka ka jirta iyo Abaaraha.Shuban biyoodka. Sicir Bararka jira taasoo ah mid na wada saameysay hadaan Somaliland nahay lab iyo dhedig yar iyo weynba. marka dhallinyarooy waxaad xasuusnaataan oo aad mar walba niyada ku heysaan inaad tihiin rajada ugu wanaagsan ee uu waddanku leeyahay maanta maadaama aad tihiin ubixii dalka indhihii dadka hogaamiyeyaasha berri Somalilandnimadiina ku faano. la idinkaga sheekeyn maayo dhibaatada uu Qabiilku leeyahay marka dhallinyaro fadhiga ka kaca oo dadkiina iyo dalkiina iyo diintiinaba wax tara. marnaba ha ka tegina dhaqankiina weligiina xasuusnaada inaad marka ugu horeeya aad tihiin dad SOMALILANDERS! waa iga talo taas dhallinyarooy waxaana filayaa inaad iga qaadan doontaan!

World News

Top Videos

Who is Online

We have 45 guests and no members online

Friendly Links