Tuesday, 13 December 2016 16:58

IIDHEDA HABAR CAFAN  , FAAFINTA MAKAHIL IYO DHAGA DHAGAYNTA MAXADCASE

Written by 

 

Xukumada beesha dhexe ayaa waxa ay ogaatay hanka iyo hiigsiga beelaha Samaroon oo ah mid aan sal lahayn taasi oo inta xukuumada kulmiye soo ifbaxday lagu dhex beeray gobolada galbeedka kala qaybsiga iyo kala qoqobka beelaha samaroon oo noqday abid kii ugu xumaa ee gaadhay dabkala qaadasho la aan iyo midab takoor .

Hadaba waxaa hubaal ah marka beelaaha samaroon ay midoobaan waxaa ay xukumada Somaliland keentaa qorshe ka dhan ah furfurka iyo iska horkeenka beelaha samaroon
 horaantii sanadkii 2012 waxaa beelaha samaroon ay ku midoobeen sugida xuduudaha iyo magaloyinka beelaha samaroon taasi oo ay wakhtigaas isku raaceen midnimada dhulkooda iyo dadkoodaba waxa wakhtiigaas xukumada Somaliland gud gashay furfurka beelwaynta samaroon kuwaasi oo ay kow ka ahayd siyaasadii golaha deganka oo qolo qolo loo kala saftay iyo jilib jilib .

Dhanka kale badhtamihii sanadkii 2014 ayaa madax dhaqmeedka beelaha samaroon ay shir ku yeeshee deegaan kaa mid ah deganada somalida Ethiopia  ee magala xuduudedka awbare shirkaasi ayaa gabi ahaanba gilgilay xukumada Somaliland iyo beesha dhexe kaasi oo aan wakhtigaas ajandihiisa aan dibada u so bixin waxaana mugdi galay gabi ahaan beesha dhexe iyo maamulka ay ku aftirsadaan.

Dabayaaqadii sanadkii 2014 kii 4  December ayaa waxaa buuraha galay mid ka mid ah saladiinta waawayn ee beelaha samaroon oo wakhtigaas ku yaboohay dagaal ka dhan dadka degan gobolka awdal iyo beesha dhexe mudo kadib saladiintii la midka ahaa suldankaas ayaa aamusnaa mudo waxaana gabi ahaan cabsi gashay maamulka Somaliland iyo beesha dhexe oo isku dayday sidii loo kala jabin lahaa dadkaa ku bahoobay midnimada iyo difaaca dhulkooda hase ahaatee beesha dhexe mudo labaatan cisho wax waxaa u suurto gashay in kala furfuran kacdoonkaasi oo ay dumintiisa ay ka kaw ahayeen.

  1. Siyaasiyiinta mansabka ka haya xukumada Somaliland.
  2. Aqoon yahan ka ugu sareeya gobolka awdal ee ku sugan Somaliland
  3. Dad magac kuleh maamulka Somaliland iyo beesha dhexe .
  4. Salaadiin iyo cuqaasha beelaha samaroon.
  5. Ganacsatada ka soo jeeda beelaha samaroon

Intaa kadib markii ay xukumada beesha dhexe ay gacanta ku dhigtay shantaaas xubnood ayaa waxaa u suurto gashay in ay u daadagto kala jabinta beelaha samaroon iyada oo adeegsanaysan lacag waxaana ay ka bilawday in ay kala saarto  beelaha samaroon oo ay sadex u kala qayb sameen modo kadib waxaa kacdoonkii ku soo hadhay beesha makaahiil oo iyadu ku adkaysatay difaaca iyo mawqifka suldaanka baxay .

Xukumada beesha dhexe ayaa guda gashay sidii ay u kala furfuri lahayd midnimada iyo isku duubnida beesha makaahil iyada oo adeegsanaysay ganacsatada , siyaasiyiinta, aqoon yahanka ,iyo dad magac kuleh xukumada beesha dhexe waxaa suurto gashay in beelo kamid ah beelaha makahil ay ka soo horjesteen kacdoon kii iyaga oo raacay dadka ka soo jeeda beshoda ee ku abtirsanayay xukumada beesha dhexe .

Ugu danbayntii waxaa xukumada beesha dhexe u suurto gashay in ay kala furfurto kacdoonkii.
hadaba markaan u daadago dulucda mawduucan ee ah {IIDHEH DA HABAR CAAFAAN , FAAFINTA MAKAHIL IYO DHOOLO CADAYNTA MAXAD CASE } waxaan uga jeedaa.

Marka aan ka faaloodo IIDHEH DA HABAR CAFAN  , beelaha habar cafan waxay ka kooban yihiin 12 beelood kuwaasi oo ku heshiiyay mid nimada iyo dantooda reer nimo kuwaasi oo yeeshay rukun udub dhexaad u ah  12 beelood waxayna ku caan yihiin boro bogaandada iyo hadalka tuurista dadka samayn ku yelata oo laga hadal hayo gobaha dhalin yarta iyo mijlisyada oo la yidha ragii habar cafan sidasay yidhahdeen.

Hadaba markaan ka faaloodo FAAFINTA MAKAHIL  beesha makaahil ayaa iyadu sadexda reer ugu tiro badan balse iyagu anan ku midaysnayn dusha guud ee magaca makaahiil waxaana ay ku caan yihiin in ay markasta ay hadalalada been abuurkaa ee beelaha kale soo tuurtaan ay iyagu sii faafiyaan oo ay yidhahdaan reer hebel baa sida lahaa .

Beesha maxad case oo iyadna 6 dii sanadood ee ugu danbeyay ee ay ku yeesheen xukumada Somaliland kursiga madaxwayne ku xigeen ku caan baxay dhaga dhagaynta iyada oo gobolka awdal lagu sheego in ay ku badan yihiin sirdoonka.

hadaba guntii iyo gaba gabadii Somali waxaa kala gaysay qabiil reer awdalow taas ka wan tooba.

qore :Mahad Xaaji Muuse Cabdoo

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

World News

Top Videos

Who is Online

We have 46 guests and no members online

Friendly Links