Arimaha Bulshada

Arimaha Bulshada (40)

Awdal24( Dad. Dal iyo Duunyo Nabada Allahayow Marka hore waad wada salaamantihiin dhammaantiin, waxaan aad ula dhacay sida cajiibka ah oo aad wax isugu faaiideyneysaan oo aad wax u kala kororsaneysaan. markaa waxaan go’aansadey inaan idin xasuusiyo arin muhiim ah oo loo baahanyahay in shaqsi walba oo somalilander ah dunida meeshuu doonaba haka joogee xil weyn iska saaro. waad wada ogtihiin dhammaantiin dhibaatada waddanka ka jirta iyo Abaaraha.Shuban biyoodka. Sicir Bararka jira taasoo ah mid na wada saameysay hadaan Somaliland nahay lab iyo dhedig yar iyo weynba. marka dhallinyarooy waxaad xasuusnaataan oo aad mar walba niyada ku heysaan inaad tihiin rajada ugu wanaagsan ee uu waddanku leeyahay maanta maadaama aad tihiin ubixii dalka indhihii dadka hogaamiyeyaasha berri Somalilandnimadiina ku faano. la idinkaga sheekeyn maayo dhibaatada uu Qabiilku leeyahay marka dhallinyaro fadhiga ka kaca oo dadkiina iyo dalkiina iyo diintiinaba wax tara. marnaba ha ka tegina dhaqankiina weligiina xasuusnaada inaad marka ugu horeeya aad tihiin dad SOMALILANDERS! waa iga talo taas dhallinyarooy waxaana filayaa inaad iga qaadan doontaan!

Salidhiga milateri ee imaraatka ka furanaayo berbera hadii uu hirgalo waxay caydaynaysaa in xukuumada madaxweyne axmed maxamed siilaanyo gacantiisa ku burburinayso nabadii 25ka sano Somaliland ku naaloonaysay xukuumadan oo aan ka fiirsan arimaha xasaasigaa ee amniga khalkhalka gelinkara waxaana la mooda in aan ka fiirsi badani jirin oo ay xukuumaddu sameysay waxaana aad arkeysaa wasiirada ka hadley in aaney shaqadoodiba ahayn oo ay u eeg yihiin niman qar jafaaya markey ka hadlayaan arintan oo ay hayd inay ka had laan shaqadooda Dayacan.



waxaana muhiim ahayd in ay ka hadlaan oo umadda u soo bandhigaan wasaarada gaashaandhiga iyo jananada ciidanka qaranka oo ay iyaga toos u taabaneyso shaqadooda.

Dhanka kale waxaa jira dawladaha inala jaarka ah  oo ka digay in saldhigaasi melliteri aan la siinin imaaraadka carabta oo saamayn wayn oo is bedel ku keeni karta guud ahaan dalalka geeska afrika khalkhala gelinkarta aminigooda maadaama oo ay jiraan xogo cadaynaya in imaaraadku uu ujeedo ka leeyahay saldhiga meliteri ee uu ka smaysanaayo somliland u jeedadaasi oo ah waxa uu doonayo in uu halkaasi kaga duulo ururka ka dagaalama dalka Yamen ee loo yaqaano (xuutiyiinta) taas ooo saamayn balaadhan oo amni ku keeni karta xaalada amni wadankan Somaliland inta badan ku faanayay hadaba waxaa fiican in laga fekero oo lays barbar dhigo  maxaa ka iman kara heshiis kaas maaha in laga fekero intee lacag ah ayaynu ku helaynaa heshiiskaas anigu rayi’gayga waxaan odhan lahaa dadka iyo daka adeer haloo tudho oo lexe jeclo hadiin gasho dalka iyo dadkiina kolay idinku passport yurub iyo American ah ayaa idiin wada go’ane xataa midkasta oo wasiir noqda caruurtiisa iyo xaaskiisaba  waxa uu udiraa dalalka yurub iyo America midkasta oo wasiira maanta majiro oo laga soo helayo caruurtisa dalka waayo maxay ku dhacday saasi anaguna aanu u la’anahay shaqo oo maalinkastana been lanuugu sheegayaa !!!!!!!!!

Aaway damiirkii dalka iyo dadka u naxayay wadani nimadii way dhimatay majiro sharci iyo kala danbayni dalkan siyaasadii waxay gashay ganacsi iyo dalka oo maalinba meel la iibinaayo waartaasi adeer inama anfacayso ee ka jooga ayaan idin odhan lahaa waar dalka baayacaada aad meelkasta la taagantihiin kadaaya hayna qiimo ridinee ayaan idin odhan lahaa runtii lixdii bilood ee loo kordhinaayay ma waxay ahayd dalka inta hadhay aanu cuno  !!!


Guntii iyo gebo-gebadii waxay u muuqataa Arintani mid dano kale lag leeyahay oo la doonayo in dawlad siilaanyo ka danbaysa oo Somaliland layidhaahdaa aanay kasii jirin qarankan jamhuuriyada Somaliland guntii iyo gebe gebadii waxaan ku soo gunaanadayaa waar dalka yaan laynugu dul iibin inaga oo soo taagan maalinba meel baa dalkan la jarayaa wanu usoo taagnaan waar hadii layna marsiiyay dekedii maantana Airport kii berbera berina waxaa ku xigi doonta magaalada hargeisa waanu iibinee halaga guuro Eeshqiyaasak adeer waasiduu  xaalku ku socdo manta !!!!!!!

 

Alleh ayaa Mahad Leh,

Qalinkii Abdirisak Yusuf  Dahir

(Suxufi Madax bananan)

 

Xukumada beesha dhexe ayaa waxa ay ogaatay hanka iyo hiigsiga beelaha Samaroon oo ah mid aan sal lahayn taasi oo inta xukuumada kulmiye soo ifbaxday lagu dhex beeray gobolada galbeedka kala qaybsiga iyo kala qoqobka beelaha samaroon oo noqday abid kii ugu xumaa ee gaadhay dabkala qaadasho la aan iyo midab takoor .

Hadaba waxaa hubaal ah marka beelaaha samaroon ay midoobaan waxaa ay xukumada Somaliland keentaa qorshe ka dhan ah furfurka iyo iska horkeenka beelaha samaroon
 horaantii sanadkii 2012 waxaa beelaha samaroon ay ku midoobeen sugida xuduudaha iyo magaloyinka beelaha samaroon taasi oo ay wakhtigaas isku raaceen midnimada dhulkooda iyo dadkoodaba waxa wakhtiigaas xukumada Somaliland gud gashay furfurka beelwaynta samaroon kuwaasi oo ay kow ka ahayd siyaasadii golaha deganka oo qolo qolo loo kala saftay iyo jilib jilib .

Dhanka kale badhtamihii sanadkii 2014 ayaa madax dhaqmeedka beelaha samaroon ay shir ku yeeshee deegaan kaa mid ah deganada somalida Ethiopia  ee magala xuduudedka awbare shirkaasi ayaa gabi ahaanba gilgilay xukumada Somaliland iyo beesha dhexe kaasi oo aan wakhtigaas ajandihiisa aan dibada u so bixin waxaana mugdi galay gabi ahaan beesha dhexe iyo maamulka ay ku aftirsadaan.

Dabayaaqadii sanadkii 2014 kii 4  December ayaa waxaa buuraha galay mid ka mid ah saladiinta waawayn ee beelaha samaroon oo wakhtigaas ku yaboohay dagaal ka dhan dadka degan gobolka awdal iyo beesha dhexe mudo kadib saladiintii la midka ahaa suldankaas ayaa aamusnaa mudo waxaana gabi ahaan cabsi gashay maamulka Somaliland iyo beesha dhexe oo isku dayday sidii loo kala jabin lahaa dadkaa ku bahoobay midnimada iyo difaaca dhulkooda hase ahaatee beesha dhexe mudo labaatan cisho wax waxaa u suurto gashay in kala furfuran kacdoonkaasi oo ay dumintiisa ay ka kaw ahayeen.

  1. Siyaasiyiinta mansabka ka haya xukumada Somaliland.
  2. Aqoon yahan ka ugu sareeya gobolka awdal ee ku sugan Somaliland
  3. Dad magac kuleh maamulka Somaliland iyo beesha dhexe .
  4. Salaadiin iyo cuqaasha beelaha samaroon.
  5. Ganacsatada ka soo jeeda beelaha samaroon

Intaa kadib markii ay xukumada beesha dhexe ay gacanta ku dhigtay shantaaas xubnood ayaa waxaa u suurto gashay in ay u daadagto kala jabinta beelaha samaroon iyada oo adeegsanaysan lacag waxaana ay ka bilawday in ay kala saarto  beelaha samaroon oo ay sadex u kala qayb sameen modo kadib waxaa kacdoonkii ku soo hadhay beesha makaahiil oo iyadu ku adkaysatay difaaca iyo mawqifka suldaanka baxay .

Xukumada beesha dhexe ayaa guda gashay sidii ay u kala furfuri lahayd midnimada iyo isku duubnida beesha makaahil iyada oo adeegsanaysay ganacsatada , siyaasiyiinta, aqoon yahanka ,iyo dad magac kuleh xukumada beesha dhexe waxaa suurto gashay in beelo kamid ah beelaha makahil ay ka soo horjesteen kacdoon kii iyaga oo raacay dadka ka soo jeeda beshoda ee ku abtirsanayay xukumada beesha dhexe .

Ugu danbayntii waxaa xukumada beesha dhexe u suurto gashay in ay kala furfurto kacdoonkii.
hadaba markaan u daadago dulucda mawduucan ee ah {IIDHEH DA HABAR CAAFAAN , FAAFINTA MAKAHIL IYO DHOOLO CADAYNTA MAXAD CASE } waxaan uga jeedaa.

Marka aan ka faaloodo IIDHEH DA HABAR CAFAN  , beelaha habar cafan waxay ka kooban yihiin 12 beelood kuwaasi oo ku heshiiyay mid nimada iyo dantooda reer nimo kuwaasi oo yeeshay rukun udub dhexaad u ah  12 beelood waxayna ku caan yihiin boro bogaandada iyo hadalka tuurista dadka samayn ku yelata oo laga hadal hayo gobaha dhalin yarta iyo mijlisyada oo la yidha ragii habar cafan sidasay yidhahdeen.

Hadaba markaan ka faaloodo FAAFINTA MAKAHIL  beesha makaahil ayaa iyadu sadexda reer ugu tiro badan balse iyagu anan ku midaysnayn dusha guud ee magaca makaahiil waxaana ay ku caan yihiin in ay markasta ay hadalalada been abuurkaa ee beelaha kale soo tuurtaan ay iyagu sii faafiyaan oo ay yidhahdaan reer hebel baa sida lahaa .

Beesha maxad case oo iyadna 6 dii sanadood ee ugu danbeyay ee ay ku yeesheen xukumada Somaliland kursiga madaxwayne ku xigeen ku caan baxay dhaga dhagaynta iyada oo gobolka awdal lagu sheego in ay ku badan yihiin sirdoonka.

hadaba guntii iyo gaba gabadii Somali waxaa kala gaysay qabiil reer awdalow taas ka wan tooba.

qore :Mahad Xaaji Muuse Cabdoo

Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
 

تعلمو حلاقة علي رؤس الايتام              

           “Xiirimaadka Kubarta Maddaxda Caruurta Agoomaha”

Cabdilaahi Xiirimaadka Kubaro Maddaxda Caruurta Agoonta Kuwaasay Cidina Waxba kaawaydiinayne.

Cabdilaahi Agoonta Uma Keeneen Kuwuu Aabohood Dilay

Sidaa Muuqata Wuxuu Cabdilaahi Usoo Galbinayaa Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal Hogaamiyihii Jahadii Qabiiliga Ahayd Ee Qabsatay Malaga Borama, Dhagtana Dhiiga Udartay inkabadan 700 Oo Ruux Kuwaasoo Ubadnaa Xamaas Gacmo Madhan,Hadaba Wuxuu Cabdilaahi Maanta Rabaa  In Damane Iyo Mashxarad Lagusoo dhaweeyo Hogaamiyihii Dhagar Qabaha ahaa.

Muuse Biixi Waa Hogaamiyihii Jamhadii SNM Ee Aruursatay Dhamaan Wixii Mood Iyo Noolba Malagaalada Dhexyaalay,

Waa Hogaamiyihii Afduubay Salaadiintii Dhaqanka Ee Gobolka Awdal Sida (Suldaan Saleebaan­) Sidoo Kale waa Hagamiyihi Qabsaday Xebaha G.Awdal,

Waa Hogaamiyihii Gaystay Gowricii Qowolka Ee Lagu Laayay Dadkii Muxtarimka Iyo Ganacsatada iskugu jirtay Oo waliba ilaahada Aanay Jirin Cid Dhiigoogii Meel Marisay.

Waa Xurguf Abuurihii Xiisadihii Qadhaadhaa Ee Dhaxmaray Beelaha Samaroon Iyo Ciise Ee Dhiigu Ku daatay.

Run ahaantii Gafafka Iyo Deelqaafyada Badan Ee Muuse Kagalay Gobalkan iyo Dadkiisaba Halkan Kuma soo koobi karo  Laakiin Bal waxaad Waxyar Dib Igula dhugataa Erayadii Turxaanta Badnaa Ee Muuse Kuhadli Jiray Xiligii Uu Daahir Rayaale Dalka Katalin Jirin “Dheengad baankaaga Soosaari Madaxtooyada” Waxay Dhagahaagu Maqleen Ayaan Kumaqashiin Doonaa Hadad Maqli Waydo Warkagaya” Faqashtii Baa Nahaysata”Bal ufiirso Hadaladan Waa Hadalo Ay kamuuqato Cunsurinomo iyo Qolonacayb Kana Baxsan Anshaxa Siyaasada,Waan Ogahay oo Muuse Siyaasi maaha Oo waakii Shalay lahaa Xunbo wayne oo Hargaysa 50Km ujirta Waa Gobolka Saaxir,Sidoo Kale Bari Cabdilaahina Dhihi doonaa Lixda Goobood waa maroodi jeex Ilayn Waakan Man Hajka C

Muuse Waa Nin Dalka u Haysta SAAXIL ILAA GABILAY Dadkana u Yaqaana HABAR AWAL oo kaliya.

Hadaba Haddii aan usoo Gando dago Ujeeda,

Cabdilaahi Dhiigii Tolkii Ma Wuxuu Dhaafsaday Kursi Wasiirnimo Iyadoo Ay waliba Tolkii Lajeclaayeen Kursi Kasareeya.

Cabdilaahi  Ma Isagoo Aroosa Ayuu Mixiisnimo kadoortay!

Cabdilaahi Miyuu Moogyahay Inuu Muuse  Inaderkii,Kudilay Qoolka Mise Magtiisiibuu Sooqaatay.

Muuse Wali Waxaa Kadaya Gacmihiisa Dhiigii Maatidii Samaroon Ee Uu Laayay Maydadkoodana ay aydu ku cunaysay,

Ruuxii Damiirlihi

Muuse Udabaal Dagimaayo

 Dan Uu Noosoo sidoon

Dugsanaana Mataalo

Ee Dagaalbaan Ka xignaa

Doorashadiisa Maanta.

Wuxuu Csbdilaahi ka Calaacalay Codkii Beesha Habar-Cafan Ee uu Siyaasi Cabdilaahi Siiyay DAAHIR RAYALE isaga oo kala Bakhaylay PRO. MAXAMED RASHIID SH.XASAN oo Nin tolkiiya ahaa,

TAASINA WAXAY CADAYNAYSAA INUUNA CABDILAAHI AHAYN NASAB RAAC EE UU YAHAY MANSAB RAAC.

Anagoon Kursiga Kaawadayn

Weedhna Kugu Raacsan

Anigoo Habar-cafaan baad tahee

 Jecel inaad Waarto

Hayeeshee Sidad wax uwadaa

Waa ka waa sacan.

Haddii Uu ilaahay Idmo Waxayno Qormada 3aad Ku lafaguridoo:-

1.Siday Beesha Habar-Cafan Kunoqotay NGO Uu Cabdilaahi Leeyahay?

2.Kursigii Qaran Ee Besha Habar-Cafan Lahayd  Ee uu Cabdilaahi Siistay Gaadhiga Waa (Xooghayaha Aqalka Sare Ee Soomaaliland)

3.SHIRKADA HEMA BOOKS

 

 

Name. Cabdiqaadir Yacqub Xasan

Email. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Num. 4454990

 

Boorama {Awdal24news} Dhamaan Dadka Magacdoodu Kala Yihiin Cabdifataax Maxamed Cabdilaahi, Eng Yaasir Xassan Abiib, Ibraahim Cabdilaahi Sh. Ibraahim Iyo Dhamaan Eheledooda Iyo Asxaabtooduba Waxa Ay Hambalyo Aroos U Dirayaan Qoyska Cusub Ee Ku Soo Biiray Ummada Islaamka, Waxa Aanay Hambalyo Aroos U Dirayaan 

Dr, Hassan mohamed Hasan Ardale iyo Marwo Hibo Maxamed cisman waber

Oo Meherkoodu  08/06/2016-ka Maalin Arbaca Ah Ka Dhacay Masjidka Jaamaca Magaalada Boorama Waxaanay ILaahay Uga Baryayaan In Uu Noqdo Qoyskii Gurigoodu Nagaado Ducaduna Waa Xaga Akhyaarta Iyo Akhristayaasha.....Amiin Amiin

May 18th in Somaliland: Celebration for a Few; Sorrow for Many

By Jaafar M Sh Jama

A tall gaunt looking young man ambles back and forth in the streets of downtown Borama. His shirt is unbuttoned and you can count his ribs without even feeling them. He has been pacing the streets since the atrocities committed against his brothers by the Somali National Movement in 1991.  His mother, suffering from extreme grief over the death of her sons, lost her mind and now goes in circles all day in the downtown market of Borama.  They both lost their minds after they witnessed the murders of their relatives by the SNM militia. The militia killed the brothers and then drove armored vehicles over their dead bodies.

Another man shouts in grief, “my camels are completely wiped out!”  His entire herd was slaughtered by the SNM and taken to feed its soldiers. Another man in his early 80’s, sobs as he sits on the floor of his hut.  He saw the SNM killing people in the streets of Gabiley; and watched helplessly as SNM soldiers completely destroyed his orchards.  The orchards were all the material goods he possessed—his entire life savings. Displaced at the age of 80 after witnessing the most atrocious crimes, he vowed never to return to his home.

These are a few accounts from over 764 pogroms carried out by the SNM against the Gadabursi.  While committing these atrocities, the SNM militia chanted a poetic epithet, “Hadaan Saw iyo Sogsoglay iskugu gayn” (I will sweep the Gadabursi and gather them under Saw Mountain).  The militia depopulated many towns and pursued survivors to Borama and beyond. While besieging a town, they would chant, “God is great!” Emboldened by their victories, they pillaged and razed Gadabursi villages all along the Gabiley Dilla corridor.

Somaliland, an evolution of the SNM, considers May 18th a victory day—a day to celebrate the dislodging of an oppressive military regime in 1991. The Gadabursi, Dhulbahante, Warsangeli, Issa, Fiqi Shini and other Somalis in Somaliland consider May 18th a time that will live in infamy. These tribes did not approve of what Siad Barre, the tyrannical former Somali president, was doing to the Isaks who formed the SNM. The SNM never officially sought the support of these tribes. The tribes never supported the regime’s efforts to crack down on the SNM—and neither did they support the SNM. They were strictly non-aligned.  If the other tribes had supported the Barre regime, SNM would have never been successful.  Instead of staying focused on the overthrow of the Barre regime, the SNM went after the “sleeping” tribes with a vengeance that ultimately resulted in a killing frenzy.

For many northern tribes, the May 18th celebration simply rekindles the trauma of the civil war and reinforces the exclusive character of the leadership and ownership of Somaliland.  It is not a day that all Somaliland tribes agreed to celebrate.  It is the unilateral celebration of the Isak tribe. This event doesn’t bring on board all of Somaliland’s tribes.  It takes more than a parade and high-sounding speeches to make a celebration.   May 18th will continue to be a divisive day with no meaningful sense of nationhood until Somaliland is led, owned, served, and shared equally by all the peoples who live within its borders. On the day that happens, there will be a genuinely heartfelt celebration among all the people of Somaliland.

 

   By Jaafar M Sh Jama     

Boorama {Awdal24news} Maalin dhawayd bay ahay, Guri ehelka ah baan joogay. Waa xili barqona ay ka tagtay duhurna aanay gaadhin qiyaastii 11:30-kii duhurnimo. Waxaa qolkii aan ku jirnay dhawr jeer igu soo noq-noqoday wiil yar oo aan waalid u ahay, Moobaylka ayuu intaaba I waydiinayaa. Ana sheeko ayaan wiilal kale oo xaafadda ahaa aan kula haystayoo, waan maqlaa mar walba oo uu waydiiyo, balse si aan u jeedin ayaan marba ma hayo ugu celinayaa.
Mar afraad ama shanaad baan ku ambabaray oo intaan sheekadii aan wadanay aan ka soo jeestay waxaan su’aalay wiilkii;
“Adeer yaan kuu garaacaa?”
Wuxuu iigu jawaabay;
“Adeer Cidna ma garaacayo, heblaayo ayaa moobilkeedii iga qaadatay, markaa waxaad calculator-ka iskugu kay dhufataa todoba sideed ku dhufo?”
Hadda waa 7X8 Waan yar yaabayoo, wuu I dul taagnaaye intaan kor u eegaybaa waxaan ku idhi;
“Oo adeer, intaad igu soo noq-noqonaysay baabad faraha iskaga dhufan lahayde maxaa ku kadeeday!”
Intuu yar khajilay buu goroda laad-laadiyay, oo uu hoos u yar foorarsaday, intii aanu ii jawaabinba wiil qoladii aanu haasaawaynay ah baa ku soo boodayoo wuxuu yidhi;
“Waar maxaad kula yaabi, Annagaan laba laba ku dhufo dusha ka garanayninbee!”

Adduun yada waxaa maalin ba maalin aan ku darayn oo intaasba is rogaya shaagga wax qabsiga iyo hal-abuurka ee uumiyaha ku nooli uu subax noolba talaabo hore u sii qaadayo. Maalintii timaadba waxaa adduunka ku soo biira walax ama walxo cusub oo daaha laga faydaa, ama wax sii jiraybaa intoo boodhka laga hurgufo lasii dhal-dhalaaliyaa oo lasii naax-naaxiyaa.
Ha u badnaadeen agabka teknoolajiyada’e, waxaa subax noolba aqalkeena iyo ardaageenna la soo dhigaa, qalab cusub oo hor leh, adeegsigooduna yahay mid aynu u jeel qabno, sidaas darteedna aynu hurranahay u borotankeeda iyo in aynu meelaha lagu iibiyo safaf dhaadheer u galno.
Waa balaayo loo baahan yahaye, qof waliba agabkaa sidii uu u adeegsigiisa u qabatimo ee uu u qudhqudhsho uunbuu caqligiisuna u naaqusaa. Haddii aan si kale u idhaa, maalinba agabkii kugu soo kordhaa waxa uu la tagaa oo uu sahaydaa qayb maskaxdaada ka mid ahi in ay seexato amaba ay gabi ahaanba shaqadii ay jidhka intiisa kale u haysay ay joojiso.
Waxaan taas u daliishan karaa, da’daydu markii ay ahayd inta uu jiro wiilkaas yar ee aan kor ku xusay, waxa aan korka ka aqaanay isku dhufashada xisaabta ilaa godka boqolayda wixii ka hooseeya, maantana ma aqaan! Shan laba ku dhufo haday igu qabsato, mobilka ayaan ku foorarsanayaa.
Bal haddaba sida ay adduunyadani ilbaxnimada iyo daahfurka aan kala joogsanayn ee ay hadh iyo habeenba ku hawlantahay ee aynu innana in aynu hawl yaraan ku helno u heellanahay aynu tusaalayaal dhawr ah ka bixino siday taban ee uu Caqligeenii iyo Qaadkii Maskexeed ee aynu lahayn (Cerebral Capacity) maalinba cad ka mid ah u curyaaminayo; 
Hadii aad la sheekaysatid Suugaan-Dhaadhiga (dadka suugaanta dadka kale xafida), raaciisii hore waxa ay kuu sheegayaan in hadiiba gabayga hal-mar loo mariyo aanay mar labaad u baahnayn, hadda waa gabay dhan oo dhawr boqol oo bayd ah. Maanta ma laga yaabaa in la helo qof ay maskaxdiisu sidaas u shaqaynayso. Haa! Waa laga yaabaa! Waase meelaha aanay xadaarada iyo ilbaxnimada casriga ahi wali qoobka dhigin, waase halkee halkaasi!
Waxaa soo baxay qoraalka. Ninkii odayga ahaa ee Suugaan-Dhaadhiga ahaa, waxa uu qaatay qalin, ka dibna halkii uu maskaxdiisu sidii koolka ay u qabsan jirtay ayaa wuxuu bilaabay in marba bayd inta loo mariyo uu qalinka la boobo. Taas waxaa ku xigay in ay soo baxdo agabka codka lagu duubo, ka dibna waxa uu gabi ahaanba joojiyay, in ay haba yaraatee ay maskaxdiisu hawl ku mashquusho.
Ninkii qalin-leeblaha ahaa ee casrigii farta iyo qoraalka uu qalinkiisu tufta lahaa, ee inta aanay laba tuke is daawanba dhawrka bog qoraayay, maanta markii qalabka wax duuba (cod ama sawir) soo baxay isna hurdo dheer ayuu barkinta buurtay. 
Dhakhtarku awal hore, marka uu bukaanka baadhaayo, calaamadaha iyo astaamaha uu bukaanku u yeedhiyo maskaxda ayuu iskaga gayn jiray,  isaga oo la kaashanaya aqoontiisa waxaanu odhan jiray ‘Waxaas iyo waxaas ha laga baadho’. Maantase sidii way ka duwan tahay. Dhakhtarka ku waraysanayaa Saxan yar (tablet or Mobile) buu sitaa, oo uu edeg yar (Application) uga sii dhex yaalo. Markii uu waraysiga bukaanka dhameeyo, natiijadii uunbuu eddegaa galinayaa, waxaa markiiba u soo boodaya natiijadii oo bilaa ducashiyo duduuc si hawl yar loogu sheegaayo markiiba.
Wariyaha Ibraahim Suxufi oo ah Mulkiilaha Shabakada Caalamiga Ah Ee Awdal24news.com ayaa maalin aanu sheekaysanaynay waxa uu ii sheegay, in ku dhawaad toban sanno ka hor – oo uu ka hawl galaayay TV Boorama – iyo maanta oo uu Muddo 3-Sanno Ah Oo Uu Ka Soo Shaqeynaayey Televisionada Maxaliga Ah Ee Magaalada Boorama Aanay waayaha labadaa marxaladood ku soo kala maray aanay shaqo iyo shaahid isku lahayn.
Waxa uu ii sheegay
“Xiligii aan ka hawl galaayay TV Boorama oo muddo yar oo kooban hawada soo gali jiray, ay hawsheedu ka adkayd Tv-yadan maanta hawada 24-ka saacba sidii dur-durka isaga socda. Hadiiba aan waydiiyay sabatana, waxa uu ii sheegay; in xiligaas wixii TV-ga ka baxaa ay toos ahaayeen. 
{Micnaha Wuu Jiray Balse Manu Isticmaali jirin Barnaamijka Codadka Iyo Muuqaalada Lagu Jar-jaro Ama Lagu Habeeyo [Editing Programes] Ee Loo Yaqaano Power Director Kaasi Oo Loo Adeegsado Habaynta Haday tahay war, war-bixin, barnaamij iyo wax kastoo Tv-ga ka baxaaba, sidaas darteedna ay hawshu ahayd Gole-ka-fuul uu qofku kartidiisa iksu halaynaayay.”
Waxa uu intaas ii raaciyay
“Maantay noqotay, warbixin hadaan duubayo sidaan doonaan ka yeelayaa, maxaa yeelay Barnaamij baan ku duubayaa ii jar-jaraya oo isagu ii habaynaya, meesha aanan u baahnayn waan iska saarayaa, anoo dhinac kaala sheekaysanaaya ayaan dhinacna ka duubayaa, kolba erey baan soo xasuusanayaa, codkayga laxanka aan jeclaado ayaan saarayaa. Mararka qaar Cawke ayuu kuu ekaysiinayaa, hadaad doontana C/laahi Xaaji.  Waayadii hore, marka aad warka gasho, Illayn waa Toos ka soo noqod malaha ee waa sidaad u gashay, hadaad qaldanto intaas oo kun baa ku daawanaysa, maantase Camara maanka uunbaad ii jooji leedahay!”
Mid ka mid ah macalimiintii aan ugu jeclaa ee Igu Soo marta intii aan jaamacada Camuud wax ka baranaayay Bashiir Axmed Warsame, macalinimada ka sokowna ah oday waayo arag meelo badan ka soo biyo cabay, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu nooga qisooday sida taban ee ay tiknoolajiyada casriga ahi u naafaysay ee ay u badhaxday aqoontii saafiga ahayd.
Bashiir ma jeclayn buugga uu wax ka dhigayo in uu cutubka uu kaaga dhigaayo eray qudha oo ka mid ahi ku seego. Buugga oo buugta aan arkay kan ugu culus ah, (qiyaas ahaan laba KG kama uu yarayn) ayuu labada saacadood ee ay xiisadu socotoba uu kor u hayaa. Waxa uu arkay qaar ka mid ah ardaydii oo woxoogaa cashar ah oo meelo laga soo garoocday (Slides) is hor haya. Markaasbuu intuu mid ka mid ah ardaydii ay waraaquhu hor yaaleen mid ka mid ah is dul taagay, oo warqadiina kor u qaaday ku yidhi;
“Marka aad maanta kaas akhrido, uu nin kale diyaarsaday, ma waxbaad dhigatay mise waad luggo’day? Marka inta inyar oo aan waxba ahayn netka lagaaga soo saaray lagaaga dhigo nin wax wayn loo dhigay waxba maad dhiganne been haysku sheegin! Maanta inamada yar yar ee Jaamacada wax ka dhiga, Mid qudha oo buug wax ka dhigi karaa ma jiro, mid waliba netkaasuu ku nool yahay, aqoon netka gashayna Ilaahay Aqoon kama dhigee Ha isku Halayninee buugta wax ka barta oo Slideska iska daaya”
Sidaas ayay isku ag socdaan aduun yadu horumarka ay beegsanayso iyo garaadka sii gudhaya ee aadamuhu. Heer waxa aynu soconay dadkii xafidaayay intaas oo Suuradood, Intaas oo xadiis ah, Intaas oo erey, intaas oo gabay, intaas oo xisaab ah, in aan tahli kari la’nahay in aan xafidno number telefoon oo todoba god ah.
Maskaxdii waxa ay heshay meel kale oo ay isku halayso, si ay markaa kooma rabbaani ah iskaga gasho. Qaybtii numbarada kala garan ogayd, qaybtii ashyaada iyo magacyadooda, qaybtii magacyada dadka lagu halaynaayay, qaybtii muuqaalka xataa qaybtii toddobada cisho ee todobaadka kala garan lahaydi, hadii maanta la waydiiyo ayaanta ay tahay waa in ay mobilka ama wixii kale ee gacanta ugu jira ay hoos u dhawrtaa!
Ha moodin hadii uu aabahaa ka aradan yahay in uu dhot koomka (.com) waxba kala soo bixi kari waayo, in aad ka  xariifsan tahay.  isaga dhot koomkiisaa ku filan – cala shaan caqligiisaa shaqaynaaya - Haddii aad u fiirsato, aabbahaa, xagga xafidaada iyo Mugga Maskaxda wuu kaaga fiican yahay. Sidaas si la mid ah uun bay hubaal u tahay in aad adna ilmahaaga kaga wanaagsanaan doonto.
 Hadaba su’aashaydu waxay tahay taloow tan waabaynu u taaganohoo waynu aragnaaye, Ilmahaaguna ta uu la kowsan doonaa Tu noocee ah bay noqon doontaa. Ma marka marka qof walba inta Robot lagu rikibo uu barkinta dheeraystaa? Mooyi! Bal Adba!
Diirada Awdal24news
Faalada: Qormadii 15-aad
Qalinka: Abdirasak Warsame
AWDAL24NEWS.COM
 

Boorama {Awdal24news} Hambalyo Tahniyad Meher iyo Duco Kusocota GEESI:- Mukhtaar iyo GAARI:- Nimco Max'ed A Dhidar 

Dhamaan dadka magacyadoodu hoos ku xusanyihiin waxay hambalyo tahniyada aroos iyo duco u dirayaan meherka GEESIGA Mukhtaar    iyo Gaarida Nimco Max'ed Axmed Dhidar oo meherkoodu ka dhacay 10-05-2016 Rays Hotel Magaalada Boorama.

Yuusuf M Dhidar.
Abdishakur Gande.
Axmed faarax (fandhaal).
Xildhibaan Xayte.
Muxiyadiin Miigane.
Abdilahi wadadyare.
Barkhadle Gaafoote.
Axmed Aaden
Muxiyadiin x maydhane.
C.fatax I aden samale (Diffo).
Ibrahim M muse.
Axmed Hadliye.
Maxamed c wadadyare (Gurane).
Abdirashiid Xamaal.
Abshir wadanoole.
Max'ed A.naser sh Gelle Dhawal.
Yasmiil big love .
AWDAL24NEWS.COM

{Awdal24news} Dhamaanba Bahda Ka Hawlgasha Shabakada Caalamiga ah Ee Awdal24news Oo Kala Jooga Magaalooyinka Boorama, Hargeysa, Burco, Dubai, Stockholm, Paris, London, Iyo Columbas Waxa Ay Hambalyo Aroos U Dirayaan 
MUD. Xildhibaan Cabdiwahaab Bashiir Sheekh Cumar...........Iyo
MARWO. Nagaad X. Cusmaan Nuur
Oo Maanta Oo Ay Taariikhdu Ahayd 01/May/2016-dii Meherkoodu Ka Dhacay Hotelka Rays Ee Magaalada Boorama Waxaanay Leeyihiin Guurkiinu Guur Khayr Gurigiinuna Guri Nagi Dhamaantayana Waxa Aan Ugu Ducaynaynaa Ducadii Rasuulka NNKH ....Aamiin.
Waxaanay Bahda Awdal24news Intaasi Ugu Darayaan:-
.......///////////..........///////...........//////////........////////.......
Hadii aad dadan gashen damashad iyo ciyar dartin baa loo tume alow gurigana daa Ameeen ameeen
Caashaqa ku doogsada 
Muxibada ku diirsada 
Darmo qudha kuwada lada 
Isna daadaheeyoo noqda ul iyo diirkeed 
Dhaqan waa dulqaaadkiyo 
Hadal dabacsanaantee 
Usii daaya laabaha caashaqu ha dararee 
Isku doonis baad tihiiin 
Isku diirad kaliyoo 
Danta meeel u Wada jira 
Ubad doorle kala hella
Aamiin Aamiin

Waxa Sidoo Kale Iyaguna Hambalyo Midaas La Mid ah Dhinacooda Ka Diraaya Dhamaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Dawlada Hoose Ee Degmada Boorama.
AWDAL24NEWS.COM

Boorama {Awdal24news} Abwaanka Dhinaca Kalena Fanaanka Codka Halaasiga ah Leh Ee Abwaan Liiro Iyo Heestii Boorama Ku Caan-baxday Ee Sidii Dhuuxi Boorama Daawasho Wacan.

{AWDAL24NEWS} Inalillahi wa ina ilayhi raajicuun, dhamaan reer  xasan  Cabdidheere warsame oo ay uugu horayso hooyo  Hooyo Xaawa Biixi Cadceed, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ree X. SICIID XIIR oo aabahood XAAJI SICIID XIIR ku geeriyooday magaalada ceerigaabo. Waxaanay marxuumka allah uugabaryayaan in eebe u naxariisto hoygiisa ka yeelo janatu farduusa inagana samir iyo iimaan inaga siiyo amiin amiin amiin.

Hooyo: Xaawa Biixi Cadceed
2- Jaamac Xasan Cabdidheere iyo Qoyakiisa
3- Shamis Xasan Cabdidheer iyo caruurteeda
3- Caasha Xasan Cabdidheere iyo qoyskeeda.
Saynab Xasan Cabdidheere iyo qoskeeda.

Inalillahi wa ina ilayhi raajicuun, dhamaan reer max'ed xasan cumar (Eng Gande) oo ay uugu horayso hooyo Shamis Xasan Cabdidheere, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ree X. SICIID XIIR oo aabahood XAAJI SICIID XIIR ku geeriyooday magaalada ceerigaabo. Waxaanay marxuumka allah uugabaryayaan in eebe u naxariisto hoygiisa ka yeelo janatu farduusa inagana samir iyo iimaan inaga siiyo amiin amiin amiin.

1- Hooyo: shamis xasan cabdidheer.
2- Axmed Gande iyo qoyakiisa
3- Abdifatah Gande.
4- Abdishakur Gande.
5- Mukhtar Gande.
6- Bilan Gande.
7- Nimco Gande.

AWDAL24NEWS.COM

I don't know who is me yet; I have to discover myself again.   A hole needs filling in my wisdom tooth. Yesterday was a painful memory, today is dark and there is no a promising tomorrow as far as  this barren regime is running our kitchen - soup.   Mr. Winston Churchill said, if the human race wishes to have a prolonged and indefinite period of material prosperity, they have only got to behave in a peaceful and helpful way towards one another.  The price of greatness is responsibility.  

Criticism may not be agreeable but it is necessary.  It fulfills the same function as pain in the human body.    It calls attention to an unhealthy state of things.  All the great things are simple, and many can be expressed in a single word: freedom, justice, honor, duty, mercy and hope.  Socialism is a philosophy  of failure, the greed of ignorance and the gospel of envy.  It's inherent virtue is the equal sharing of misery.  Success consists  of going from failure to failure without loss of enthusiasm.  Success is not a final and failure is not a fatal.  It is the courage to continue that counts.

 

Let our advance worrying become  advance thinking and planning.  It is better to be irresponsible and right, rather than to be responsible and wrong.  Mr. Silanyo, don't  pee on my leg and tell me it is raining.  Tapping the public purse, and yet regarded as an accountable.  Another Silanyo regime is  another gray - hair in Somaliland.  Because Mr. Silanyo doesn't believe that the World is a rose;  smell it and pass it to a friend.   In the Wadani Party we believe that tomorrow starts today.  Dear reader my intimate friends asks me how far that I do know  the Chair - man Abdirahman Abdillahi ( Ciro ).

 

My brief and honest  answer is.   All that I know about  the future president Mr. Ciro is that  he is a patient leader down to earth with humble presence,  but  strikes when the iron is hot.  A cool leader  who always keeps a low profile but fights back with a brilliant brain and a giant fist  when he has no other choice.   A leader with a vision and a dream that never die.  A man when he is behind the steering wheel driving  the caravan with strategy and wisdom that can topple  the difficult circumstances.    An established candidate  with integrity  and consistent  transparency.   Liable to run a Government  with ethics that bounds in the rules and the regulations of the State.   According to the interpretation of the stars, you can look forward to a marvellous  future prospects and promising expectations.   We will float through life  with joy and peace of mind.   No mountain is too high, no path is too far and no goal is so difficult to challenge in the process of life.   

We will encounter  no more with a leader  that one day pretends to be  a lion and the next day acts as a cat that bows to the Evil Empire in Mogadishu.   Abdirahman is a leader that believes that  accurate diagnoses  of a problem is an important  part of the solution.   That small treasury  of the country will be contributed and distributed evenly and justly among the masses in unbiased objective  and fair approach.    All in all,  I know the people that are surrounding him, I know his Think  - Tank, his political advisers, his sultan,  and I know his audience and his refuge for wisdom and consultation.  

Dear reader,  to me writing is not a source of income and I am not a sinecure who writes to praise political leaders as a means to yield fame, honor  or looking for closed - custody  to the power.  But I am a typical Somali Badawe  man who expresses his emotions and intimate feelings when he is surrounded  and suppressed by the change of momentum and the stuffy political circumstances that is difficult to stand.   I regard writing as a window for relief and relaxation against  the stress and depression caused by the political impact of our poor and short minded politicians.   I try to act as a canary in a coal - mine.  It makes my stomach to grow sick when I see  the Silanyo Regime can't distinguish in between the Syrian people  and the other Arab fair - weather friends.   Acting as a swashbuckler actor like Mr. Douglas Fairbank who acted the film ( The Thief Of Bagdad in 1924 ).  

Even he can't distinguish between the genuine intimate friends and our brothers in  Aden and those savage Jabaaliya tribes of Immam Yahya who burned some of the Somali refugees alive and kept our poor misplaced Somali girls as a Sex - Slave.   Above that,  their former president Ali Abdalla Salah waved aside the citizenship cards from the Somali origin citizens who had born and bred in Aden, while he let their counterpart Indians to keep their citizenship.  Simply because  Mr.Silanyo and his Regime they are either don't care about our history,  or they  are feeling shilly - shally to detect who is our foe and who are our friends, as Somalilanders.   Or they may be that much dumb to speak up due to ignorance.  Mr. Silanyo, here and on your face, we say in a voice that can't be silenced by the bullet  and handcuffs that the Syrian people and Government are our intimate and friends.   As well as  the Adens people were our intimate friends in our days of doom and gloom.   Because a friend in need is a friend indeed.  Mr. Silanyo, tell your puppet cabinet to go back to school and to learn the  history of their nation.  If not, asking is free and the answer is at arms length.    

Dear reader, it was April, 2005 the last time I stepped  and set  down my tiny feet on  that holy Syrian soil to repair there my aging teeth.   In the arrival at the Airport, I went through the foreign queue - line until I reached  to the immigration officer in the counter - box.   When  I offered him my Canadian passport,  he asked me.  What is your country of origin?   I am a Somali citizen by birth but I am holding a Canadian passport, I replied in a polite way.  Then why you go through the foreign Queue line ?  The officer  replied to me.  In surprise, I told him again that I am holding a Canadian Passport.   My dear,  this is simply a document for travelling but your true identity is an Arab - Man, the immigration Officer responded in a scolding voice.  My eyes flashed with surprise and I promised him to remember that for the next time I come back to Syria; and  shook hands with him as a token of gratitude.  That is the attitude of the Syrian people  my dummy Minister of Interior,  Mr. Cali Waran Cadde.   

Dear reader, leadership is a privilege to better the lives of others.  It is not an opportunity to satisfy  the personal greed of the ruling junta.  Greed is a bottomless pit which exhausts the person in an endless effort  to satisfy  the need without  ever reaching satisfaction.   The African tribal minded politician, with it's infinite afflictions of physical and mental distress, passions, and evils are  rooted in the three poisons.    Tribalism and  that  false delusion that his tribe's  fabric  tissues is made of gold,  greed and love of power.   The African politicians greed is most appalling of all mankind.   He wants  everything to eat, and  is swallowing  more than he can chew.  Not only the fruits of the harvest  that was planted by the poor peasant but swallowing the whole tree.  including the roots of the trees, the branches, the seeds and the flowers,  both the green and the dry.   Above all, that chronic  fatal infection of Greed and Tribalism are  the causes  and symptoms of my killing  disease.   

All in all, the Silanyo Regime  has been marked by  tribalism, selfishness, and greed as the top record in Somaliland's history.  

Totally and whole heartedly was impressed by those failed dispersed Diaspora  in the western countries.   Adopting that selfish policy of.  You scratch my back and I will scratch your back. That is why we want the Wadani party to replace the Kulmiye - Party  by hook or by crook.   And to resurrect  and rebuild  back that lost solidarity, compassion and the love to one another, among all walks of life that has been destroyed  by the Kulmiye Party.  To restore back that once firm and strong hope and sweet dreams,  that has melted away since the arrival of this scary monster, Mr . Silanyo.   Nowadays,  the society feels short of breath and feeling numb.   Putting their arms on their heart - strings as a sign of a future shock and depression.    As a result,  our future generation is diminishing and having an appointment with death, in between the devil and the dead sea.  After the vanished long waiting, sweet dreams  and hope that  appears no more  on the horizon.   

Their thoughts and emotions are swiftly drifting to that ugly scenario of a suicide mission  in the oceans.   Feeling stoic and reckless to pain or pleasure.    The masses has no a drop of water to drink or a loaf of bread to eat; while our own former KGB Agent and the present Minister of interior  is having a shower with both hands, with  distilled water.   More disgustingly,  feeding fresh meat  to  wild beasts and a flock of lions, while his neighbour next door is starving to death.   Their kids has no the lunch for the day.   His ugly and merciless attitude  refreshes in our mind the nostalgia and regretful memory of his past.   Amazing indeed!   How money and power blinds and corrupts people.    

Anyway, no drugs, not even alcohol, causes the fundamental ills of our society.  If we are seriously looking for the source of our trouble.   We shouldn't  test people for drugs and alcohol;  we should test them for how much deep he is infected with that  ailing disease of Tribalism, ignorance, greed and love of power.   If the Government turns a stone, or tries to facilitate a source of water; a particular tribe will claim royalty - warrant .   Making it hard for the Government  to abide by the rules.   At the same time  we are claiming to be a State that runs by rules and regulations and singing a fabricated National Anthem that stands for nothing.  Give me a break.   We can't have it both ways.  Mixing milk with water and acting as an adulterate woman.   At the same time claiming  to be a State of novel design that is made of noble metal.  The holy Quran and enlightenment books cite the seven deadly sins as : pride, greed, lust, envy, wrath, sloth and gluttony.   

That pretty much covers everything that we do, both peasant and prince.  From the head and from the heart.  We are a nation that loves it's enemy.   Ignoring the notion  that tomorrow begins today.    Greed is the lack of confidence of one's own ability to create.   

Mr. Silanyo, give me back my kiss and ring.   We  will never adorn a hero that surrender to his enemy.   Because as Somalilanders, surrender has no room in our plan of life.

Qodka Bari Ka So Baxay, Intaan Yara Qiyaasaayo, Qurba Haaga Joog Ciradaad Kaga Qarsoon Naane.  ( Verses of the deceased Hero Cumar Xiin Waal  in 1968 )

Yusuf Deyr, Toronto

Canada   

BOORAMA {AWDAL24NEWS}  Eng Pilot Abdirahmaan ibrahim Waa Halgamaa Dadaaal Dheerad ah ugu jira Akhriska Iyo Qoralka Dhawrista Hidha iyo dhaqankeena Suuban Ayanle Pilot Abdirahman.

Hooyo Shamis Xasan Cabdidheere
Axmed Gande
Cabdifitaax Gande
Cabdishakuur Gande
Mukhtaar Gande
Bilan Gande
Nimco Gande
Dhamaan Qoyska Reer Maxamed Xasan Cumar(Eng. Gande) waxay dhambaal Hambalyo meher iyo Duco oo kal iyo laaba udirayaan farxada meherka lamaanahana, Boqorka iyo Boqorada, Geesiga iyo Gaarida Boqor Cabdirashiid Xaashi Daahir iyo Boqorada Xaliimo Cali Sh. Cabdilaahi oo munaasibada farxada meherkoodu ka dhacay masaajidka Ibraahiim ee ku yaal magaalada Boorama ee caasimada labaad ee Somaliland.

Hooyo Saynab Maxamed Guuleed
Foosiya Cali Sh. Cabdilaahi iyo Qoyskeeda
Siciid Cali Sh. Cabdilaahi
Cabdicasiis Cali Sh.Cabdilaahi iyo Qoyskiisa
Nasra Cali Sh. Cabdilaahi iyo Qoyskeeda
Cabdilaahi Cali Sh. Cabdilaahi
Maxamed Cali Sh. Cabdilaahi

Dhamaan qoyska reer Cali Sheekh Cabdilaahi waxa ay hambalyo kal iyo laaba u dirayaan meherka walaashood iyo seygeeda Boqor Cabdirashiid Xaashi Daahir iyo Boqorada Xaliimo Cali Sh. Cabdilaahi oo meherkoodu ka dhacay khamiisa bishuna ku beegantahay 31/03/2016 masaajidka Ibraahiim ee ku yaala magaalada Boorama, waxanay ilaahay uga baryayaan in ilaahay ka 

yeelo qoys barakaysan oo dadkooda, diintooda iyo dalkoodaba ku soo kordhiya awlaad khayr qaba oo anfaca, diintooda iyo dalkooda iyo dadkoodaba aamiin aamiin aamiin.

AWDAL24NEWS.COM

Page 1 of 3

World News

Top Videos

Who is Online

We have 85 guests and no members online

Friendly Links